01/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Oday 70 jir ah oo argagixisadu ku dishey Muqdisho

Oday 70 jir ah oo argagixisadu ku dishey Muqdisho. Argagixiso hubeysan ayaa si toosa wejiga uga toogtey oday 70 jir oo iska fadhiya tukaan uu ku lahaa Muqdisho.



Dadka degaanka ayaa waxa sheegeen in ninkan Odayga ah da’diisa inay u dhaxeysay 60 ilaa 70 sano, halka hada lagu dilayna uu ku lahaa Dukaan yar oo lagu iibiyo alaabaha far shaxanka.



Dableyda ayaa si caadi ah goobta uga dhaqaaqay iyaga oo aan dareemeyn wax cabsi ah, halka uu dilka ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn waxaa bar kontorool ku leh ciidanka xasilinta oo halkaasi ku baara gaadiidka ka yimaada dhanka Bakaaraha, waxaana la sheegay in aysan ku bixin falkani maadaama aan loo sheegin.



Maaha markii ugu horeysay ee argagixisadu xasuuqdo dadka da’da ah hadana waaba ku faanaan oo muuqaalo ayay soo duubaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS