X

Oday ku dhacay hog loo qodayay haan shidaal magaalada Hargeysa

Waxa magaalada Hargeysa hog laga soo saaray oday ku dhacay hog loo qodayay haamaha shidaalka. Odaygan oo lixdan jir ahaa ayaa waxa meydkiisa ka soo saaray ciidanka dabdemiska.


Lama sheegin sida uu ugu dhacay iyo hogga afkiisa furnaa oo uu habeenimo ku dhacay, waxase lagu guulaystay in medkiisa laga soo saaro sida ay sheegeen ciidanka dabdemiska ee uu tababaray Ingiriisku.


Waxa jira boqolaal hog oo afka furan oo dadku ku dhici karaan. Masuuliyad daradaana waxa iska leh kuwa qodaya iyo maamulka maaaladaas oo aan ahayn maamul adag.



Meydka odayga ayaa loo qaaday isbitaalka si loo baadho.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.