21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Odayada iskudhafka ee Dhuusamareeb oo qodobo soo saaray inta aan la furin shirka Cadaado

Dhuusamareeb–Odayada qabiilada Dhuusamareeb ee isku dhafan ayaa war ka soo saaray shirka Cadaado sheegayna in madaxweynuhu yiri dadka deegaanka ayaa iska leh doorashada. Odayada ayaa codsaday in qodobada soo socda marka hore laga heshiiyo inta aan la furin shirka sheegayna in aan lagu degdegin furida ee lagu dadaalo db u heshiisiinta.

Odayada oo shir jaraaid qabtey ayaa soo saaray in qodobadan hoos ku qoran laga heshiiyo:

1. In ergada shirka laga dhigo 510 xubnood

2. In xulista ergooyinka looga dambeeyo guddoonka duubabka beelaha ee ay hormuudka u yihiin guddiga marjaca gogosha dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb

3. In furidda shirka maamul u sameynta aanan lagu degdegin inta laga dhameynaayo dib u heshiisiinta beelaha.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo sheegey in madaxweynaha markii ay Dhuusamareeb kula kulmeen uu u sheegey in go’aanka ay iyagu leeyihiin, maamulkana dhisanayaan, sidaasi darteed aanan la marin habaabinin hoggaanka shirka.

Ugaas Axmed Ugaas Barre oo isna hadlay ayaa codsaday in loo tixgaliyo hoggaanka odayaasha dhaqanka.

Odayaasha ayaa waxa kale oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay Cadaado tagaan, balse ay sugayaan martiqaad ay ka helaan maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka taliya magaaladaasi uu shirka ka dhacayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS