Ololaha doorashada ee lagu bedelayo Jawaari ayaa durba Si xawli ah uga bilowdey Muqdisho kadib is casilaadiisii.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeedda maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay bilaabay Olole ku aadan raadinta xilkaasi.
Hoteellada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo arintaasi ku saabsan, waxaana lagu waddaa in xildhibaano badan ay ku dhawaaqaan in ay u sharaxan yihiin gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Lama filayo in musharax kale oo ka soo jeeda beelaha kale ay Ku tartamaan kursigan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS