X

Maxay tahay fariinta ay direyso ololaha mahadsanid madaxweyne

Waxa si xawliya ku socota ololaha mahadsanid madaxweyne oo shacabku u garteen inay madaxweyne Farmaajo u dhisaan guri iyagu ay bixiyaan. Haddaba waxaad is weydiin kartaa fariin nooceeya ayay diraysaa ololahan hirgalay.


”Horta waa mida koowaade wuxuu weji-gabax ku yahay xildhibaanadii 214-ka ahaa ee khiyaamay codkii shacabka kana raacay danahooda gaarka iyo shilimaad waayo Xasan Culusow laguma dooran karti iyo waxqabad ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Tan ugu weyna waxay wadno xanuun ku ridaysaa kooxda dabada ka taagnayd doorashada Xasan Culusow ee reer galbeedka oo adeegsanaya Imaaraadka iyo waxa la midka ah mana arki karaan olole noocana ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Marka aad iska ilowdo waxoogaaga yar ee iyagu qabiil ahaan ugu hadlaya Xasan Culusow ayagoo iyaga laftoodu og inuu yahay akbar fadhiid, waxaan shaki ku jirin in dhamaystirka gurigaas uu noqon doono mid qabsada siyaasada dalka iyo caalamka.


Waxase dhici karta in halka laga dhisayo ay dood ka timaado ayadoo dadka badankoodu jeclaan lahaa Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee waxa cad in dadkii ku ciil bixi waayay fartooda ay hadda ku ciil baxayaan jeebkooda, taasina waa taariikh kale.



Wejigabax weyn ayay ku tahay kooxda Xalane oo la filan doono inay si kale uga jawaabaan waana ta la is leeyahay inay tahay sababta madaxweynaha cusub ee dalka ahna safiirka Imaaraadka uu maalmahan ku mashquulsanaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.