X

Oromada oo afkii Axmaarada daaqada ka tuuraysa ugu dambeyn

Qoomiyada Oromada ee Itoobiya iyadu ugu badan laakiin sanooyin badan Axmaarku cadaadin jirey xitaa ku qasbay inay la baxaan magacaan Axmaara ah ayaa hadda dareensan inay dib u soo ceshadaan xoriyadii laga xaday.


Waxa hadda dhalintu dhamaan la baxaan magacaan Oromo ah ayagoo daaqada ka tuuray magacii Axmaarka ahaa ee awal ay ahayd inay la baxaan si aan loo beegsan.

Waxa sidoo kale soo xoogeysanaya afka Oromada ee Cafaan oo hadda daaqada ka saaraya afka Axmaarada. Waxa dhawaan la filayaa in afka Oromadu noqdo afka koowaad ee dalka.


Sidoo kale Oromada ayaa isku diyaarinaya inay xukunka Itoobiya qaybtooda haystaan muddo ,u filan inta qoomiyadaha kale sida Axmaarada iyo Tigreegu u haysteen muddo dheer.



Tigreega oo muddo haystey ayaa isku dayay inuu goosto ama amar diido sameeyaya asagoo ka tagey ciidan burbursan kadibna ka faaiideystay intuu qaatay hubkii ugu badnaa.

Si kastaba ha ahaatee Oromada ayaa soo jeeda aan yeeli doonin in xukunku isku bedelo sanadahan dhow.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.