X

Taywaan oo sheegtay in 3 milyan siisay horjooge Muuse Biixi

Taywaan ayaa sheegtay inay maamulka Somalilaan ku joogto qorshe ay isla ogyihiin Maraykanka oo la rabo in gobolka laga dhigto goob laga fushado dano halis ku ah qaranimada dalka. Ayadoo ay hadda keensadeen fadhiid Xasan Culusow waxay isku dayayaan inay fushadaan danaha halista ku ah qaranimada dalka ayuu yiri Xuseen Warsame.


Ninka Taywaan u fadhiya Hargeysa ayaa sheegay inuu Muuse Biixi siiyay sadex Milyan oo doolar. “Waxaan marka hore bixinay 500 oo kun oo doolar oo aan kaga qayb qaadanay suuqii gubtey halka 2  Milyan iyo dheeraad aan ku bixinay doorashada la qabanayo ayuu yiri Lou.


“Maamulka waxaan u haynaa waxa uu rabo oo ah aqoonsi halka anaguna aan halkan ka geli doono Afrika ayuu raaciyay ninka Taywaan u jooga Hargeysa oo diiday in loogu yeero safiir. Wuxuu diiday inuu sheego inta ay ku joogaan Hargeysa.


Afhayeen u hadlay maamulka ayaa qaba in Maraykanka keenay Taywaan uu wado ictiraafka waayo waxa nahay isku mabda, iyaguna Shiinaha ma rabaan anaguna ma rabno.

Lacagta ay Taywaan bixisay ayaan ilaa hadda la ogeyn halka ay martey ayagoo sheegay inay jeebka u geliyeen horjooge Muuse Biixi oo raba inuu kursiga sii joogo.


Taywaan uu wato Maraykanku waxay khalkhal gelinaysaa amniga gobolada Wowooyi umana soo wado wax faaiido ah ayuu yiri Xuseen Warsame lacagaha ay bixinaysaana waxay abuurayaan isku dhac cusub oo beel la xoojinayo ayuu raaciyay.



Maamulka cusub ee Xasan Culusow ayaa la filayaa inuu dib u bilaabo mashruuca Ingiriisku wato ee uu u bixiyay “Somaliya iyo Somalilaan”. Xasan Culusow waa kii dalkan kala goyn lahaa ayuu qabaa Xirsi Warfaa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.