X

Oromo ku dhimatey shil ka dhacay Berbera

Waxa maanta isku dhacay laba gaari oo mid ahaa kuwa qaadka qaada laakiinse dadka saarnaa ay u badnaayeen Oromo rabay inay ka sii tahriibaan Somaliya iyo gaari kale oo ahaa kuwa shicibka.


Goobta shilku ka dhacay ayaa u dhow Berbera. Dhimashada la xaqiijay ayaa ah ilaa 10 halka dhaawacana lagu sheegay ilaa 14 qof oo loo qaaday isbitaalka Berbera oo aan xamili karayn.

Maaha markii ugu horeysay oo Oromadu caadi uga tahriibto Somaliya qaasatan Boosaaso ayagoo sii rafaada qaarkoodna la jirdilo lana kufsadana,


Shilalka ka dhaca maamulka Somaliland ayaa waxa inta badan sababa dirawalada oo qayro masuula iyo maamul xumo ka jirta maamulka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.