X

Hooyo Somaliyeed oo nafteeda u diidey inay qariso gacan ku dhiigle: dhacdo naadira

Hooyo Somaliyeed oo lagu magacaabo Xaawo Taako ayaa nafteeda u diidey inay gosha gashato gacan ku dhiigle weliba ah wiilkii iyadu dhashay. Xaawo Taako ayaa agoonimo ku soo korisay wiilkeeda waxayna in muddo ah u rafaadsanayd inay Ingiriiska keento oo ay iyada lafteeda rafaad ku tagtey.


Hooyo Xaawo Taako ayaa dhaxamaha u kalahda si cuntada miiska u saarto. Waxase dhacay in galab wiilkeeda soo wacay una sheegay inuu diley wiil kale oo Somali ah. ”Jawaabta aan siiyay waxay ahayd saldhiga is gee ayay tiri Xaawo Taako.


Waa qiso naadir ku ah Somalida oo caado ay tahay in la qariyo gacan ku dhiiglaha. Xaawo Taako waxay ka mid ahayd ciidankii qaranka ee sharafta lahaa intayna dalka u banayn mooryaantii huwanta.

Hoos ka daawo


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.