X

Prof. Ahmed Ismail Samatar rebshad buu uula tegay xisbiga Kulmiye by Abdi Mustafe

Professor Ahmed Ismail Samatar 20 sanadood ayuu Somaliland god ku ridayay oo uu meel walba la taagnaa in aan la ictiraafin oo uu Somaliya taageer sanaa. Subxaan…
Wuxuu ku biiray parlamanka Xamar dabeed wuxuu isu sharaxay madaxweyne….Ya salaam. Samatar wuu garan kari waayay in aannu u dhalan koonfur oo aannu madaxweyne ka noqoon karin.
Markuu dirida ka soo goa’ay ee geed uu hadhsado waayay ayuu Somaliland u soo cararay iyo halkii uu ka soo jeeday dabeed si balaadhan baa loo soo dhaweeyey.
Samatar Jacayl uu Somaliland u qabo uugumuu soo noqon ee wuxuu hunguri ka galay in uu madaxweyne ka noqdo hase yeeshee meel uu ka bilaabo muu helin.
Professor Ahmed Ismail Samatar oo wixii u shaqaystay oo dhami kaga wada baxeen xisbigiisii hiil qaran iyo taratnkii parlamanka Somalia oo sida uu qirtay mudo ku noolaa deyn credit cards lagaga yeeshay ayaa Kulmiye uugu biiray si uu qarash uuga helo.
Iyaguna kamay waalin oo waxay uugu balan qaadeen nus million dollar haduu xisbiga Kulmiye ku soo biiro. Markay ku hubsadeen ee ay qarxiyeen ayay lacagtii kala aamuseen.
Dabeed wuxuu cadho uugu maqnaa dalka maraykanka. Iminka markii xaalku xisbiga Kulmiye ku kululaaday ayay dib uugu yeedheen oo ku qanciyeen in uu ka aqbalo laba boqol oo kun oo dollar.
Samatar oo ah nin keligii socod ah oon saaxiib lahayn oon da’daa uu joogo xaasna lahayn oo hadana is cajebiya ayaa jabnaan wuxuu ka qabo Kulmiye iibsaday.
Tacliinay nin kaagii nacas nimo maxaa baday. Ma Jamaal Cali Xussien baa hankiisii madaxweyne dollar lagu iibsaday ma Prof. Samatar baa Kulmiye lacag ku baayacay.
Waa kuwaa kuwii lahaa PHD iyo Masters Degree baannu samaynay kolba qadar lacaga loo lulayo. Samatar 70 jir buu ku kala garan waayay Somalia iyo Somaliland ta uu wax ka noqon karo oo uu Somalia taageeri jiray.
Ma cimrigaa isaga oo jooga ayuu odhan karaa waan qaldamay. Xaqiiqdu waxay tahay in uu yahay nin aan aamin sanayn Somaliland ee dani uun keentay markuu koonfur ku soo fakhriyey si xorana suuqyada Xamar u mari kari waayay.

Kulmiye na rebshad iyo qul-qulad uun buu uula tegayaa, wixiisa oo dhami ma dhaafaan it wasn’t like this in united states.

Abmustafe123@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.