X

Xilliga uu dhacayo kalfadhiga barlamaanka Somaliya oo la xaqiijay

Waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah magaalada Muqdisho uu ka dhaco kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Labada Aqal, ayaa waxaa lagu magacaabi doonaa Guddiyo ka shaqeeya Doorashada iyo wakhtiga la filaayo inay dhici doonto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada ayaa lagu sheegay mid ahmiyad u ah Nidaamka Doorashooyinka dalka, waxaana la xaqiijiyay in Guddiyada la dhisi doono ay u badnaan doonaan Xildhibaano hore maadaama kuwa cusub aysan laheyn Khibrad ay ku dejiyaan Jadwalka Doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo u waramaayay Warbaahinta ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay in maalinta Beri ah uu dhici doono kulankaasi.

Dalxa waxa uu sheegay inuu ku raja weynyahay in Xildhibaanada cusub ay la jaanqaadan Nidaamka iyo Sharciyada dalka u degan.

Kalfadhiga labaad ee Xildhibaanada Labada Aqal, ayaa imaanaya xili 27-kii Bishan magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 283 Xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.