November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Prof Cali Khaliif oo dhex lugeeyay Buuhoodle ”wax Khaatumodiid ah miyaa aragteen iyo gabay IIDOORE

Madaxweynaha dawlada Khaatumo mudane Cali Khaliif Galaydh iyo qeyb kamid ah golaha wasiirada dawlada Khaatumo xildhibaano golaha deegaanka ayaa socod ku maray wadada Buuhoodle. Madaxweynaha ayaa booqday seylada xoolaha buuhoodle ganacsiga kala duwan ee buuhoodle.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne galaydh aan wax istaaf ahi lasocon xiligii uu maraayay suuqa. Dhanka kale shacab mawjad xoogan ayaa madaxweynaha garab ordaayay oo kala hororsanaayay salaantiisa.

Madaxweyne galaydh oo ka hadlay safarkiisa ayaa sheegay in safar dhiiri galin ah uu yahay 7 todobaadkina  mar uu maro magaalada waxaana uu xusay in magaaladan Buuhoodle tahay magaalo Khaatumo isagoona yidhi”wax khaatumo diida miyaad aragtan wuxuun bay xushmeeyan xabashii idoore.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS