22/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo abaari ka dilaacdey iyo roob doon laga oogey

Roob la’aan ka dilaacdey Puntland iyo abaar ku habsatey dadka iyo duunyada. Duleedka koonfureed ee Garowe waxaa ka socoto roob doon alle lagu weydiisanayo raxmadiisa, waxaana halkaasi isugu tagay inta badan shacabka iyo madaxda.

Horay wasaaradda Cadaaladda Puntland ayaa ugu dhawaaqday maalinta Isniinta ah inay tahay roob doon, iyagoo ugu baaqday shacabka inay ka qayb qaataan.

Meelo badan oo kamid ah Puntland waxaa ka jira abaaro ay ugu horayso biyo la’aan , xoolo badan ayaa u dhintay abaarta , meelaha qaarkood waxaa kasoo yeeraysa qayla dhaan ku aadan in laga soo gaaro abaarta, haddii kale ay halis ugu jiraan inay u dhintaan.

Waxaana dadka roob doonaya tukanayaan labo rag cadood oo alle lagu weydiisanayo roob iyo inuu ka dul qaado abaarta iyo biyo la’anta.

IMG_5557-740x493[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS