12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo ciidamo gaysay deegaanka Garacad iyo Sanaag oo saldhigyada la kordhinayo

Puntland ayaa ciidamo dheeraada gaysay deegaanka Garacad iyo Sanaag oo saldhigyada la kordhinayo. Ciidamada la geeyay ayaa isugu jira Boolis iyo Milatari, waxaana ay ilaalin doonaan xeebaha Garacad.



Dhanka kale Madaxweynaha  Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay gobolka Sanaag ay Puntland ka dhisayso 7 Saldhig kuwaas oo laga dhisayo deegaano iyo degmooyin aan horay u lahayn.



Wafdi uu hogaaminayo agaasimaha madaxtooyada Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo kusugan gobolka Sanaag ayaa dhagax dhigay labo saldhig oo qayb ka ah Todobadii uu madaxweynaha ku dhawaaqay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS