12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo dhaawacday taliye ka tirsan sirdoonkooda iyo sababta ka dambeysay

Garoowe–Wararka naga soo gaaraya agaalada Garoowe ayaa sheegaya in halkaasi lagu dhaawacay taliyaha ciidamada sirdoonka Puntland ee gobolka Sanaag Maxamed Ceydiid. Taliyaha ayaa waxaa la dhaawacay xili uu marayay ar kontarool oo ku taala Duleedka Magaalada Garoowe halkaasi oo uu u aaday howlo shaqo.

Taliyaha iyo mid ka mid ah ilaalo la socotay ayaa dhawacmay kadib markii ay rasaas ku rideen Ciidan joogay kontaroolka waxaana soo gaaray dhaawac aan ilaa iyo iminka laga bixin wax faah-faahin ah.

Ciidamadii dhaawacay ayaa ka shakiyay taliyaha iyo Ilaaladii uu watay waxa ayna sidaa ugu fureen rasaas taasi oo haleeshay taliyaha iyo mid ilaalo u ahaa.

Arrintaani ayaa kusoo beegantay iyadoo ciidamada amniga ay habeenadii ugu dambeysay wadeen talabooyin lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Puntland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS