X

Puntland oo dil ku ridey laba nin iyo waxay gaysteen

Puntland ayaa dil ku ridey laba nin. Xukunka dilka ah ayaa ka dhacay magaalada Qardho. Maxkamad ciidan oo ku taallo ayaa xukun dil ah.


Maxkamadda ayaa sheegtay labada eedeysane inay horay u dileen Cabdiraxmaan C/laahi Axmed Qaytoor, laguna helay dambiga dilka ah ee ay gaysteen.

Guddiga Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Magaalada Qardho ayaa ku amray Taliyaha Saldhiga Qardho xabsiga in lagu sii haayo labada dhalinyarada ah ee dilka gaysatay illaa qisaastooda lagu fulinaayo.


Ragga la xukumay ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Cabdi Nuur Siciid Iyo Bashiir Maxamed Siciid.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.