X

Jahwareer ka jirta maamulka Galmudug

Jahwareer ka jirta maamulka Galmudug. Kulanka mooshinka lagu soo gudbiyey waxaa guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee laga keenay mooshinka Cali Gacal Casir oo jooga Muqdisho ayaa sheegay “inaysan jirin xildhibaanno uu aqoonsan yahay oo ku shiray Dhuusamareeb”.


Arrintan ayaa qayb ka ah xurgufta u dhaxaysa hogaanka sare ee maamulka Galmudug, taasoo si aad ah u soo ifbaxday wixii ka dambeeyey Sabtidii, markaasoo ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Maamul xumo iyo kala dambeyn la’aan ayaa ka weligeed ka jirtey maamulkaas magacaaban laakiin aan waxba soo kordhin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.