X

Puntland oo faahfaahisay dilka gabadha yar iyo dhacdo foolxun oo lala xiriirinayo

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay dilkii foosha xumaa ee loo gaystey gabadh yar kadibna la soo dhigey guriga ay ka deganayd Gaalkacayo. Taliye arintan foosha xun ka hadley ayaa magacaabay in ay hore u jirtey dhacdo gabadh kale lagu kufsadey kadibna muuqaal laga duubey.


Taliyaha oo sii hadley ayaa sheegay in gabadhan yar la kufsaday kadibna si xun loo jirdiley inta aan meydkeeda la hordhigin guriga ay qoyskeedu deganaa.

“Waa arin aad looga murugoodo oo laga ooyo in gabadh da’daas jirta sidaa foosha xun loola dhaqmo ayuu yiri. Dhacdadan ayaa lala xiriirinayaa aano qabiil inkastoo qofkii galay dembiga noocana uuna lahayn inyar oo diina.


Dhacdadaa hore ee gabadha la kufsaday hadana laga duubey ayaa dadkii fuliyay laga soo qabtey degmada Qardho.

Isku soo duuboo dhacdooyin argagax leh oo Somalidu dhaqan u lahayn ayaa ku soo batey baryahan dambe deegaanada Somalida degto.


Taliyaha booliiska ee dhacdadaan ka hadley ayaa codsi u direy daska inay kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa arxan laaweyaasha gaystey falkan foosga xun.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.