X

Siduu u dhacay daahfurka ururka horumarinta dawlad deegaanka: SAWIRO

Waxa xalay magaalada London lagu qabtey xaflad lagu daahfurayo xisbi cusub oo ka hawlgeli doona ismaamulka dawlad dergaanka Somalida. Ururkaan cusub ayaa waxa ku mideysan waxgaradka deegaanka Harawo oo ah deegaan baaxadle laakiin ka aradan baahiyaha aasaasiga ee ay xaqa u lahaayeen.


Xaflada oo si aada loo soo buux dhaafiyay ayaa laga jeediyay muhiimada ay leedahay in maamulka Somalida uu helo cadaalad iyo in dadka deegaanku helaan adeegyada ay u baahan yahay una sinaadaan.


Waxa ka jira deegaanka Somalida in degmooyin gaara helaan adeegyada ay u baahan yihiin halka kuwo kale oo ka balaarana ay ka qatan yihiin.

Ujeedada ururkan la daahfurey ayaa ku qotoma in deegaanada oo dhan ay helaan baahiyaha,ay xaq u leeyihiin wuxuuna u furan yahay cidkasta oo ka cabanaysa maamul xumo.


Waxa xigi doona u wanqalida xisbifan cusub oo aduunka wadankasta ka dhici iyo weliba deegaanka Somalida.

ARAABINEWS LONDON


admin:

This website uses cookies.