Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saartay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaana qorshaha la xariira in wax laga bedelo heshiisyadii u dhexeeyay iyaga iyo Xasan Sheekh oo Puntland inta badan ay lahaayeen soo jeedinta sida in Garoowe saxiixdo xiildhibaanada Puntland oo Khaatumo ku jirto.
Puntland ayaa ku tilmaantey barlamaanka mid fadhiida oo aan awood u lahayn in uu bedelo heshiisyadii ay gaareen oo ay damaanad qaatey Itoobiya iyo beesha caalamka kale.
Cabdiwelli Gaas ayaa xerada Xalane ee Somalidu geli Karin kulan kula leh qaar ka tirsan golaha amaanka oo Muqdisho yimi shalay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS