November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Puntland oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Sool

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay gobolka Sool kaas oo u dhexeeyay ciidanka Somaliland iyo kan Khaatumo. Somaliland ayaa sheegatay inay gaari Cabdi Bile ah ka qabsaday Khaatumo.



Wasiirka warfaaafinta Puntland Cali Xasan Axmad ( Sabarey) ayaa sheegay in Puntland aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkaasi. “Dadkii la dagaalamay Somalilandna ay ahaayeen dadka deegaanka.” ayuu yiri



Ciidamada Somaliland dagaalka la galay ayaa ka tirsanaa ciidanka Khaatumada saxda ah ee uu hogaamiyo Faysal Falaalug. Weerarkan ayaa Khaatumada saxda ah uga aargoosteen ciidanka Somaliland oo isla Dhulbahante uun ah weerar ay ku dileen sarkaal ka tirsan Khaatumo magaalada Laascaanood.



Weerarkan ay qaadeen Khaatumada saxda ah ayaa bedelay dhamaan sidii ciidanka Somaliland u fikiri jirey ayagoo awal nabad ku mari wadooyinka dhulka ay taageerada ka haystaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS