X

Puntland oo markii labaad qaylo-dhaan dirtey

Maamulka Puntland ayaa markii labaad qaylo-dhaan u direy beesha caalamka kadib markii ay soo wajaheen colaad tahriib soo kordhey iyo abaaro baahsan oo soo noqnoqda ayna u raaceen dagaalo goos goosa oo ku furan.


Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo la kulmey hay’ado caalami oo u qaabilsan Somaliya oo ka mida kuwa ku naaxay lacagta lagu soo qaado magaca Somaliya ayuu fariintan u gudbiyay.


Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa 24kii Saac ee la soo dhaafay waxaa gaaray Tahriibayaal lagu qiyaasay 300 oo ruux, kuwaas oo donaya inay boosaaso uga sii tahriibaan dalka faqiirka ah ee Yaman ee burburey kadibna uga sii gudbaan dalka Sacuudi Carabiya.

”Waxaan hay’adda laanqayrta cas ka wada hadalney sidii maxaabiista Puntland iyo Somaliland loo sii deyn lahaa iyo sidii kaalin mugleh looga qaadan lahaa tahriibta iyo abaaraha ka jira Puntland ayuu yiri Axmed Karaash.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.