X

Puntland oo ogaatey halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso

Masuuliyiinta Puntland ayaa sheegtay inay ogaadeen halka argagixisada dilalka fulisaa isku qariso. Ciidanka amniga ee maamulka ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninkii diley nin ganacasade ah iyo weliba qorigii lagu diley.


“Argagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay meel kasta, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.”Ayuu yiri taliyaha.

“Nin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doono” ayuu raaciyay taliye Muxiyadiin


Puntland ayaa dagaal kula jirta labada argagixiso ee gaalaynta Muslimiinta ee Daacish iyo Shabaab oo ku dhuunta Boosaaso iyo buuraha gobolka Bari.

Sawirada hoose argagixiso la qabtey maxkamadna la soo taagayo

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.