X

Puntland oo saaka subax weerar xoogleh ku qaaday argagixisada shabaab ee buuraha Galgala

Garoowe–Ciidanka maamul goboleedka Puntland ayaa saaka weerar ku qaaday argagixisada tababarka uga socdo buuraha Galgala halkaas oo ay ku diyaariyaan xasuuqa ummada muslimiinta. Ciidamada Puntland oo raxan u socda oo caawimo ka helaya saraakiil Itoobiyaana ayaa weerarka qaaday waxana la sheegayaa in argagixisada u sii carartey dhinaca godadka.

Ciidamada Puntland ayaa saaka horay usii koray buurahaasi, waxaana la tilmaamay in iska horimaad ay kala kulmeen ciidamada Al-shabaab.

Lama oga qasaaraha halkaasi ka dhashay, hase ahaatee dagaalka ayaa ah mid aad u xoogan, iyadoona la isku adeegsanayo hub aad u xoogan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.