X

Puntland oo saraakiishii iyo askartii diidey inay weeraraan Badhan soo dhaweysay: SAWIRO

Masuuliyiinta Puntland ee deegaanka Bali-Busle ee gobolka Sanaag ayaa saraakiil iyo ciidan tiro badan ku soo dhaweeyay halkaas. Saraakiishan iyo ciidanka gaaraya 100-ka askari ayaa diidey amar uu bixiyay taliyaha Muuse Biixi e ahaa inuu weeraro degmadooda Badhan.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Puntland iyo waxgarad ayaa kulan soo dhaweyn ah waxaa ay kulan deegaanka Bali-busle ee Gobolka Sanaag kula qaateen saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa.

Waxaana abaabul dagaal uu ka socdaa degmada Badhan ee Gobolka Sanaag halkaas oo ay ku sugan yihiin Wasiirka amniga Puntland Cabdi Samad Maxamed Galan iyo mas’uuliyiin kale.


Waxa isla maanta iska casiley booska gudoomiyaha gobolka Sanaag Bari ee maamulka Somaliland. Beesha balaadhan ee Warsangeli ayaa wacad ku maray inayna hoos tagin beelkale.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.