X

Gaari xamuula oo dad ku diley duleedka Garoowe

Gaarigan xamuulka ee dadka ku diley duleedka Garoowe ayaa dusha ka maray gaari nooca raaxada ah oo wadada maraayay oo ay saarnaayeen laba dhalinyaro kana yimi dhinaca magaalada Qardho.

Waxaana ku geeriyooday laba Wiil oo lagu kala Magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Diiriye iyo Cabdi Rashiid Yaasiin.


Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gaariga yar oo ay saarnaayeen laba Dhalinyarada ahaa ee geeriyootay uu hadana shilka kadib dab xoogan uu ka kacay,waxaana goobjoogayaal ay sheegeen inay arkayeen gaariga oo holcaya taas oo keentay in Dhalinyarada loo gurman waayo.


Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ayaa Warbaahinta u sheegay in qof ay uga shakisan yihiin in uu yahay shaqsigii waday Gaariga Xamuulka ah ay ku qabteen magaalada Qardho isla markaana la baadhayo.


Wadashaaya gawaadhida oo ah kuwa sababa shilalka aan loo baahneyn ayaa ku soo batey wadooyinka dalka haba ugu darnaato Somaliland ioyo Puntland, waxana uGu wacan jaantey wadhanta iyo maamul xumada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.