Puntland ayaa soo bandhigtey dambiyadii ka dhacay deegaanadeeda 2017. Waxa warbixintan diyaariyay xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland oo sanad walba dhamaadkiisa soo saara dambiyadii ka dhacay guud ahaan deegaanada
Maxamed Cali Xareed oo ah Ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud, ahna ku simaha Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa soo bandhigay dambiyadda ka dhacay Gobolada Puntland.
Dambiyada ayaa gaarayay 3,853 waxana loo kala qaybiyay gobolada Puntland mase sheegin nooca dambiyada ay yihiin.
Gobalka Nugaal 173 dambi
Gobalka Bari 982 dambi
Gobalka Karkaar 351 dambi
Gobalka Cayn 677 dambi
Gobalka Mudug 169 dambi
Gobalka Sanaag 70 dambi
Soo akhrintii weriye C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS