X

Puntland oo walaac ka muujisay ajaanibta soo galaya oo xad dhaafay

Puntland ayaa war ka soo saartey tirada soo galootiga ee korodhey. Madaxweyne kuxigeenka maamul Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in ay korortay tirada ajaaniibta soo galeysa. deegaanada Puntland.


Waxa uu sheegay in Hal sano gudaheeda ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad  u fara badan taasina ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulkaasi hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah.


“Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro Somaliya ayaa ka jirta, hada waxaan ka gobol ahaan qasab nagu noqotay inaan kontoroolno dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd, waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka”. ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Burburka dalka ayaa keenay qaawanaan ku dhacay xuduudaha dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.