X

Wasiirada arimaha dibeda Itoobiya iyo Eriteriya oo Muqdisho yimi: SAWIRO

Wasiirada arimaha dibeda Itoobiya iyo Eriteriya ayaa Muqdisho yimi. Labbaa wasiir ayaa waxa madaarka magaalada ku soo dhaweeyay wasiir Axmed Cawad.


Booqashada labada wasiir ayaa imaanaysa kadib markii Itoobiya ay ka dhalatey dawlada colaada ka deysa jaarkeeda, keentayna furfurnaan siyaasadeed oo laga dareemay gudaha Itoobiya.


Waxa kale e la leeyahay waxa kulankan lagu soo afjarayaa xurgufta Jabuuti iyo Eriteriya. Eriteriya ayaa ku soo xadgudubtey dhul Jabuuti inkastoo Eriteriya beenisay.

Waxaa lagu waddaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo qeyb ka ah Madaxda wadda dadaallada Nabadda ee Jabuuti iyo Eriteriya.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.