Puntland ayaa walaac ka soo sarartey lacag duufaaneed oo dawladu siisay Somalilandtaas oo loogu talogalay duufaantii ku dhufatay gobolka Awdal. Waxa sidoo kale walaac ka muujiyay waxgaradka gobolka Awdal oo iyaguna sheegay in lacagtaas soo gaari doonin.
Puntland ayaa sheegtay in lacagtaas Muuse Biixi u isticmaali doono inuu hub kaga soo iibsado Itoobiya.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdulaahi Cali Xirsi Timacadde Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa cambaareeyay lacagtaan isagoo sheegay in loogu talo galay in Muuse Biixi hub loogu iibiyo islamarkaana lagu huriyo colaada ka taagan Sool.
Wasiirka ayaa xusay in Puntland inaysan kasoo horjeedin in shacabka Soomaaliyeed ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya in lacagtaas wax loogu qabto, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasadeed iyo abaabul colaadeed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay