Puntland ayaa war ka soo saartey argagixiso ay qabteen. Wararka naga soo gaaraya Buuraha Calmadow ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay howlgal ka fuliyeen Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.
Howlgalka ayaa ka dhacay degaan u dhow degaanka Afurur oo horay argagixisada ugu xasuuqeen askar ka tirsan maamulka Puntland.
Sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Ammaanka howlgalkaasi waxaa lagu soo qabtay Shan xubnood oo ka tirsan argagixisada Shabaab/Daacish.
Puntland ayaa howlgal aan kala joogsi lahayn ka waday buuraleyda Calmadow tan iyo markii ay argagixisada xasuuqdey askar badan oo ka tirsan maamulka weerar gaadmo ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS