November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Puntland oo war ka soo saartey qodobo ay sheegtay in laga bedelay dastuurka

Mamulka Puntland oo muran dhinaca dastuurka ay ku hayaan Xasan Sheekh iyo barlamaanka ayaa war ka soo saartey qodobo markii hore ay ku darsadeen dastuurka oo hadda wax laga bedelay. War-murtiyeed qodobaysan oo ay kasoo saartay wax ka bedelka dastuurka KMG ah ee hor yaalla baarlamaanka dowladda Federaalka ah, kaas oo horay waxyaabo badan looga bedelay hadana la sheegay in lagu samaynayo wax bedelkii ugu badnaa.

Maamulka Puntland ayaa shegay in ay diidan yihiin in ay dhalato dawlad dhexe oo xoogleh waxayna doorbidayaan in maamul goboleedyadu xoog yeeshaan taas oo lagu eedaynayo in ay u adeegayan dawladaha jaarka. Dhinaceed waxay sheegtay in laga weecday wixii lagu heshiiyey ee ahaa dastuurkii umadda Soomaaliyeed ku heshiisay sanadkii 2012.

Qodobada ay Puntland ay soo bandhigtey ayaa u badan kuwo dhamaantood lagu daray xilligii ay murmayeen Sheekh Shariif iyo Faroole xilligaas oo dastuurka Faroole ku darsaday erayo ay ka mid yihiiin ”dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka taas oo hadda la sheegay in la tirtirayo.

Waxa kale oo iyadna laga saaray goobta cutubyo muranleh oo ay ka mid yihiin laba gobol iyo wixii ka badan aya maamul samaysanaya oo iyadna dagaal ku keentay sidfa dagaalkii Puntland iyo Gamudug.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS