12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qabanqaabo xoogan oo ka socota magaalada Dharwanaaje ee ismaamulka Somalida Itoobiya

Qabanqaabo aad u xoogan ayaa ka socota magaalada Dharwanaaje ee ismaamulka Somalida Itoobiya kadib markii magaaladu noqotey xarun deegaan oo laga xukumo qayb ka mida deegaanada Samaroonka ee ismaamulka Somalida Itoobiya. Dharwanaaje oo Jigjiga u jirta ilaa 100km ayaa dhawaan lagu magacaabey degmo maamuleedyo cusub.

Waftiyo ka kala socda Ismaamulka dawlada deegaanka, qurbajoog iyo qolqol joog, cuqaal iyo marti kale oo aad u farabadan ayaa la filayaa in ay soo camiraan magaalada oo shirku ka furmi doono.

Horumar aad u baaxad weyn ayaa ka socda deegaanada Somalidu degan tahay iyadoo mashaariic waaweyn uu hirgeliyay madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar si deegaanka Somalidu la jaanqaado deegaanada kale ee Itoobiya.

ARAABINEWS