X

Qadar oo 30 gaari oo kuwa raacada ah markale caawimo u keentay Somaliya: SAWIRO

Qadar ayaa 30 gaari oo kuwa raacada ah markale caawimo u keentay Somaliya. Tartanka urur diimeedyada Carabta ee soo jiidashada Somaliya oo fiqiira ayaa sii kordhey.



Qadar iyo Turkiga oo isku dhinaca iskuna urur diimeeda iyo Wahaabiyada Sucuudiga ayaa isku dayaya inay Somaliya midka dhankiisa u soo jiito. Waxyaabaha ay bixin karaan ayaa waxa ka mida gawaarida.



“Waxaa mahad iska leh Alle Subxaanahu watacaalaa, intaasi kadib waxaan rabaa in hortiina aan uga mahadceliyo Dawladda Qadar ayuu yiri Wasiir Islow oo dhawaan safar shaqo ku tagey Qadar.



Waxaan la kulmay Ra’iisul wasaaraha Dalka Qadar ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh Cabdalla C/naasir Bin, wuxuu balanqadaay in uu taageero Dawladda Soomaaliya, taageeradaasi ayaa bilaabatay, waxaana maanta aan ka guddoonay 30 baabuur nuuca Landcruser ah, kuwaasi oo loogu talagalay ciidanka Booliska”Ayuu ku darey Wasiir Islow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.