Qadar ayaa furatey wado ay kaga gudubto cunaqabataynta uu saaray Salafiga Sucuudiga oo xidhey xadka uu la wadaago usbuucii hore. Qadar oo dadkeedu aad u yaryahay ayaa waxa soo wajahdey cunto yaraan.
Erdogan oo ay isku urur diimeed yihiin xukuumada Qadar ayaa ka soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Dooxa cunto iyo caano farabadan taas oo hadda buuxisay khaanadaha tukaamada iibiya. Halka Iraan soo dirtey 3 diyaaradood oo buuxa soona wado maraakiib cunto.
Qadar ayaa sheegtay in ay furatey wado cusub oo raashinku u soo maro kaas oo ah Cumaan ilaa Dooxa ayadoo maraakiibtu soo marayso ama ka imanaya magaalooyinka Cumaan ee Salalah kadibna la soo saarayo maraakiib kale.
Cumaan ayaan xiriirka u jarin dalka yar ee Qadar oo ay degan yihiin Carab Sucuudiyiin ahaa asalkoodii.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay