X

Qadar oo is hubeynaysa soona gadanaysa hubkii difaaca cirka ee ugu dambeeyay

Qadar ayaa is hubeynaysa soona gadanaysa hubkii difaaca cirka ee ugu dambeeyay. Safiirka Ruushka u fadhiya Qadar ayaa shaaca ka qaadey in dalkiisu iibsanayo hubka difaaca circa ee S-400.



Hubkan casriga ee ah lambarka koowaad aduunka ayaa Ruushku ka iibiyay sadex wadan kaliya waa wadamada Hindiya, Shiinaha iyo Turkiga. Waxana xigeysa Qadar.

IIBsiga hubkan ayaa ka dhigaya weerar cirka uga yimaada Qadar midey dhulka soo dhigto. Safiirka ayaa intaa ku daray inuu waliba lagu dari doono difaaca dhulka.



Qadar ayaa waxa cadaadis xooga saaray WAhaabiyada Sucuudiga oo iyaguna neceb ururka akhwaan Muslimiinka ee ka taliya wadamada Qadar iyo Turkiga.

Waxa Qadar kula taliyay inay hubkan soo gadato madaxweynaha Turkiga oo dareensan in askarta joogta Qadar ay kjhatar galayaan hadaan difaaca cirka la adkeyn.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.