X

Qadar oo ogolaatey dumar kastuumo keliya xiran inay xeebta ku ciyaaraan

Dalkaasi Qadar ayaa ogolaadey in dumar kastuumo iyo keeshali keliya xiran ay ku ciyaaraan xeebta kubadda fooliga kadib markii laba ciyaartoy oo iyagu qaawananta ku ciyaara diideen inay dhar asturan ku ciyaaraan.


Ciyaartan oo loo yaqaan fooliga xeebta ayaa dhaqan ahaan dumarku ku ciyaaraan kastuumo iyo keeshali keliya wadamada gaalada, waxayna ka mid tahay isa sii kuleynta koobka aduunka oo sanadka dambe ka dhacaya Qadar.


Qaban qaabiyeyaasha ciyaartan ayaa iyagu sheegay in hadda loo ogolaadey inay dumarkaasi xirtaan dharka ay ku ciyaaraan ee kastuumada iyo keeshaliga. ”Waa nasiib daro in gaalo la raaligeliyo halka RABI la raaligelin lahaa ayuu yiri Xuseen Warsame.


Qadar ayaa haweenkooda loo ogoleyn inay baxaan hadday baxaan keliya loo ogolyahay dhar madow inay ku baxaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.