19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qaracan: Hooyo sagaal caruura oo ay dhashay ku weyday xasuuqii argagixisada ee Sabtidii

Hooyo sagaal caruura oo ay dhashay ku weyday xasuuqii argagixisada ee Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho. WArkan ayaa ah kii ugu naxdinta badnaa ee ilaa hadda soo baxa.

Dawlada Somaliya ayaa qirtey in ay dhici karto in dadka qaar aanba aas loo samayn doonin maadaama ay adagtahay in la helo jir dhan.

Hooyadan oo carruurta ku korineysay agoontimo, ayaa waxay sheegtay inaysan nolol iyo geeri midna ku haynin ubadkeeda. Iyadoo ooyneysay ayay su’aal iska weydiisay halka ay carruurteedu ku maqan yihiin.



“Aaway sagaal agoonaa lahaa? ilmihii dhamaay aaway? Meelluu ku nool yahay ma helo, meelluu jiro ma aqaan, xitaa meydkiisii ma helin, meyd xitaa ma helin. Meyd ma haysto, nolol ma haysto, waa cadibanahay.” Ayay tiri hooyadan.

Hooyadan Soomaaliyeed oo shalay galab timid goobtii lagu qabtay bannaabixii looga soo horjeeday qaraxan, ayaa waxaa la leeyahay waxay beeshay ogaalkii.





C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS