X

Qaramada midoobey iyo hay’adaheeda jooga Somaliya waa aabaha laaluushka dalka

Waxaan inta badan maqalaa Somaliya waxay ku jirtaa wadamada ugu laaluushka badan, dabcan dal burbursan muddo 30 sano la yaab maleh in waxa yar ee ku hadhan la kala boobo loona kala qaato qaab qabiil iyo laaluush.


Waxaanse Xamar ku arkay wax aad fajacayso iyo laaluushka ay wadanka ka wadaan safaaradaha ajaniba ah iyo hay’adaha kala duwan ee ku naaxay magaca Somaliya iyo lacagta lagu siiyo ayuu yiri Cali Calasow.

Askarta AMISOM oo qaata lacag xad dhaafa oo ayna waligood ka helayn dalkooda ayaa bixiya laaluushka ugu yar halka hay’adaha kale ee qaramada midobey ee ku aruursan Xalane ay bixiyaan laaluushka ugu badan.


Tusaalaha ugu yar ee aan arkay ayaa ah mida ka socota madaarka Muqdisho iyo dekeda, waxa alaabta badankeeda u qoran mashruuca qaramada midoobey, waxayna ku soo baxaan bilaa lacag.

Waxa suuqa Muqdisho iyo magaalooyinka kale ka buuxa raashin laaluush ku soo baxay. Waxa la ii waramay safaarado Maraykanka iyo Ingiriisku ku jiraan oo raadinaya macluumaadka gudaha dalka, ayagoo bixinaya laaluush laga dhergay.


Gunaanad haddii Somaliya tahay meel musuq iyo laaluush badan, waxa ka sii daran kuwa nagu sheegaya laaluushka oo ah aabaha musuqa iyo laaluushka, dalkuna iyaga la’aantood wuxuu gaari lahaa horumar.

Waxa soo diyaariyay C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.