X

Ruushka oo Suudaan saldhig ka furanaya iyo waxa ka dhalan kara

Madaxwynaha Ruushka ayaa saxiixay inuu laga hawlgalo sidii loo furi lahaa xarun maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiguba ku soo xirtaan oo laga furo dekeda ugu weyn dalkaasi Suudaan ee ku taal badda cas.


Dekeda ayaa ku taal goob ay maraakiib qayb ahaan ganacsiga iskaga kala goosha Eeshiya, Afrika iyo Yurub. Ruushka ayaa awal rabay inuu saldhig ka samaysto Saylac, waxase qorshahaa looga noqdey xaalada deganaansho la’aan ee ka jirta gobolka.

Haddaba maxaa ka dhalan kara

Suudaan waxay hadda ku xiran tahay Yuhuuda waxase heshiiska Ruushka iyo Suudaan la dhameeyay intaan xukunka laga tuurin madaxweynihii hore ee dalkaasi Cumar Al-bashiir.


Saldhiga Ruushku ku isticmaalayo dekeda Suudaan ayuu ku sheegay mid difaac oo keliya halka lagu dayactirayo maraakiibtiisa iyo weliba qayb  saada oo loo baahan yahay xilliga maraakiibtu ka soo noqdaan safaro dhaadheer.

Saldhiga Ruushku ka furanayo Suudaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Ruushku yeesho kadib burburkii midowga Soofeeti, tana waxay keenaysaa in Maraykanku dib ugu laabto geeska Afrika uuna laaluusho dawladaha fadhiidka ee ka jira Muqdisho.


”Waxa dici karta inay Berbera ku soo noqdaan oo haddaba ay joogeen dabadhilifka ugu weyn ee Yuhuuda ku xiran ee Imaaraadka ee ay ahayd in laga saaro dalka ayuu yiri Xuseen Warsame.

Haddii Maraykanka ama gacanyarehiisa Ingiriiska yimaadaan Berbera, maxaa u diidaya Ruushka inuu xeebaha kale ee Somaliya saldhig ka helo ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.