X

Qaramada midoobey oo wakiil cusub u soo magacowday Somaliya

Qaramada midoobey ayaa wakiil cusub u soo magacowday Somaliya oo bedeli doona wakiilka hadda oo Somalida badankeedu qabto inuu dibusocod ku ahaa horumarka dalka.

Ninkan Ingiriiska ah ayaa gudbin jirey warbixino foolxun asagoo u sheegi jirey qaramada midoobey in cunaqabataynta hubka lagu hayo dalka.


Ninka cusub ee loo soo bedelay jagadan madaxweyne ayaa ka soo jeeda dalka Koofur Afrika waxana magaciisa la yiraa Nikolas Haysom, wuxuna hore ugu soo fashilmey Koofurta Suudaan.

Somaliya oo ah qaran burburey waxa laysku dayayaa in la soo celiyo kala dambeynta ayadoo maamul jufeedyo qaramada midoobey dhistey iyo argagixiso ay dalka u taliyaan.


Sarkaalkan cusub oo ah Qareen ayaa ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dawlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.

Lama garan karo waxa uu soo kordhin karo aan ka ahayn  inuu ka taliyo sidii dalka loogu hayn lahaa cunaqabataynta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.