11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qarax ay gaysteen argagixisada shabaab oo lala eegtay shaqaale u shaqeeya QM gobolka Nugaal

Garoowe–Qarax ay gaysteen argagixisada shabaab ayaa ka dhacay Garoowe halkaas lala beegsaday Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay,kaasi oo lagu xiray Gaariga Baska ah ee la qarxiyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa ay ka dhasheen khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac,waxaana warar horu-dhaca oo uu helay ARAABINEWS.COM  ay sheegayaan in Qaraxa ay ku dhinteen dad isugu jira Soomaali iyo Ajnabi.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxa lala beegsaday Gaariga ay saarnaayeen Shaqaalaha UN-ka.

Dhaawaca iyo Maydka Dadka lala beegsaday qaraxa ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee Garowe,waxaana Ciidamada Puntland ay bilaabeen hawlgalo balaaran qaraxa ka dib.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS