X

Qarax khasaare gaystey oo ka dhacay duleedka Gaalkacayo

Qarax khasaare gaystey ayaa ka dhacay duleedka Gaalkacayo. Qaraxan ayaa ka dhacay dhinaca Woqooyi ee magaalada. Warka ayaa intaa ku daraya in qaraxan ayaa haleelay caruur.

Mid ka mida caruurtii uu haleelay ayaa halkaas ku dhintey. Halka dhaawacu caruurta uu kor u dhaafay 12.



Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug iyo Wafdiyo ay hogaaminayaan ayaa gaaray goobta Qaraxaasi ka dhacay waxaana loo sheegay maamulka inuu qaraxan ka dhashay Miino ay Garaaceen Caruurtan taasoo la sheegay inay horay u taalay Kaamkaas.



Caruurtii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi ayaa 3 Kamid ah ay xaaladoodu culustahay iyadoo lagu dabiibayo Isbitaallka Guud ee gobolka Mudug iyo Isbitaalka GMC ee magaalada Gaalkacyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.