Qarax labaad ayaa ka dhacay Muqdisho. Qaraxan ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir. Gaari argagixisadu ka soo buuxisay walxaha qarxa oo ka yimi duleedka Muqdisho ayaa lagu joojiyay bar xanibaad.
Ciidanka oo feejignaa ayaa ka shikiyay gaarigan waxayna rasaas cirka u rideen ayagoo dadka uga digaya khatartan ugana cararaan goobta. Ayagoo xiraya wadada ayaa gaarigan argagixisadu wadey bartii ku qarxay.
Dad shacaba iyo wariyeyaal goobta ka ag dhawaa ayaa sheegay in qaraxaan uu ku shihiidey hal askari oo goobta ku sugnaa. Waa qaraxii labaad ee argagixisadu ka fuliso maanta oo Jimce ah oo ah maalin barakaysan.
Haddii aanu ciidanku feejigneyn waxa la qabaa in khasaaraha shicibku sii kordhi lahaa. Waxa Iyana goobta ku haligmey sadex argagixiso ahaa oo wadey gaariga.
Argaixisadan Wahaabiga iyo Khawaariijta is biirsadey ayaa lagu yaqaan inay eegtaan goobaha dadku ku badan yahay, waxayna aafeeyeen dhalintii Somaliyeed oo marnaba laga fileyn inay is qarxiyaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay