November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qaxarii Daallo oo saameyn ku yeeshay dumarka Soomaalida ee gancasiga ku jira

Qaraxii ay fuliyeen dhiigmiiratada shabaab ee ka dhex dhacay Diyaarada Daallo ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeeshay Dumarka Soomaalida kadib markii Diyaarada Daallo la sheegay in xiliyada qaar dumarka ka ganacsada Dahabka ay adeegsan jireen.

Safiyo Xassan oo kamid ah Dumarka Soomaalida ee ka ganacsata Suuqa bakaaraha qeybta dahablaha ayaa sheegtay in Qaraxa Daallo uu saameyn ku yeeshay ka ganacsigooda dahabka.

Safiyo waxa ay sheegtay in xiliyada ay Daallo u duuli jirtay wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka horay loogu soo saari jiray Dahab, balse iminka uu hakat ku imaaday ganacsigaasi.

Waxa ay sheegtay in dumarka Soomaalida ee kala dhaxeeya ganacsiga kuna nool labadaasi dal ay halkaasi uga soo dhiibi jireen Dahab farabadan oo raqiis ah, waxa ayna sheegtay in iminka Qaraxaasi uu saameyn ku yeeshay ganacsigooda.

”Run ahaantii anagu waxaan dahabka kala imaan jirnay Sacuudiga iyo Imaaraadka kadibna waxaan ku iibin jirnay Somalia, hadda ma jiraan wax dahab ah oo nasoo gaara waayo diyaaradaha kale qaarkood waxa ay yihiin kuwo ku eg Gobolada qaarna waxa ay gaarayaan Jabuuti iyo Turkiga”.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS