X

Qareen Masaari ah oo dalbay in dumarka la kufsado oo jeel loo taxaabay

Qareen Masaari ah oo dalbay in dumarka la kufsado ayaa jeel loo taxaabay. Ninkan oo lagu magacaabo Nabix al-Waxsh ayaa ah qareen xagjira waxana la ganaaxay labaatan kun oo lacagta Masar ah.

Nabix al-Waxsh oo ka hadlaya telefishan ku yaal dalkaasi Masar ayaa sheegay in haweenka xiran surwaalada jeexan ee wadooyinka maraya in bartaas lagu kufsado si ciqaab ugu noqoto.



”Wuxuu yiri miyaad ku faraxsan tahay haween dariiq socota oo intooda dambe muuqato? Wuxuuna raaciyay waxaan iraahdaa markay marayaan ayagoo sidaasa waa waajib qaran in la kufsado ama la taabto.

Hadalada qareenkan ayaa aad uga nixiyay dadka Masaarida oo dacwad la fuuley una gudbiyay maxkamada weyn ee dalka. Taas oo ku heshay xagjirkan xabsina u taxaabtey.

Nabix al-Waxsh ayaa dhinaca kalana laga soo xigtey in uu yiri ” haddii uu la kulmo Yuhuudi inuu bartaas ku dili doono xataa asagoon waxna gaysan.



Waxase jeelka uu ku mutaysay kufsiga uu baneeyay. Ururka haweenka ee dalkaasi Masar ayaa cambaareeyay hadalka qareenkan kuna tilmaamey inuu dadka ugu yeerayo inay kufsadaan haweenka.

Waa qayrul dastuur iyo sharci daro in muwaadin ka mida dalka loogu baaqo in muwaadinka kale kufsan karo hadayna ku faraxsanayn waxay xiran yihiin ayay ururka haweenku yiraahdeen.



Masar ayaa dib uga soo kabanaysa burbur soo wajihi lahaa kadib kacdoonkii xukunka looga tuurey madaxweynihii hore ee dalkaasi Xusni Mubarak ilaa uu yimi Al-sisi oo soo celiyay deganaansho.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.