X

Qaxooti Somaliyed oo dalkooda dib ugu laabtey iyo dalka ay ka yimaadeen: SAWIRO

Xilli Sdhalinyar badan aamineen dalkooda una dhaqaaaqeen inay iskood isku dabaraan maadaama maamulada ay ku hoos noolyihiin gabeen inay wax ka qabtaan baahiyaha jira maadaama ayna garaynba sida wax loo maamulo ayaa qaxooti badan dalka ku soo noqonayaan.

Kusimaha Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed ayaa ka soo sagootiyey Garoonka Caalamigga ah ee Khartuum qaxooti Soomaaliyeed oo go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda.


Kusimaha Safiirka ayaa ku bogaadiyey go’aanka geesinimada ah ee ay qaateen muwaadiniintaas Soomaaliyeed, isagoona ku dhiirri geliyey rajada wanaagsan ee ay ku qabaan dadkooda iyo dalkoodda.

“Muddo 4 biloodd ah kaddib waxaa caawa inoo suurta gashay in ay mira dhal noqdaan dadaaladii ku qotomay in aad dib ugu noqotaan dalkeenna, iyadoo la idiin rumaynayo yadadiiladiina ay ku dheehantahay wadaniyaddu.”

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee go’aansaday in ay dalkooda dib ugu laabtaan oo 78 qof ahaa ayaa ka kala yimid xeryaha qaxootiga dalalka Eritariya iyo Suudaan, badankoodna waa ilmo yar yar oo ku dhashay xeryahaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.