X

Qaxooti Yamaniyiina oo ka soo cararay xasuuqa Sucuudigu oo war xun laga soo saaray

Qaxooti Yamaniyiina oo ka soo cararay xasuuqa Sucuudigu ayaa soo gaaray Berbera shalay ayagoo la socda doon ay ka soo raaceen dekedda magaalada Cadan.

Qoxootigan oo gaarayay 65 qof ayaa waxa sidey Markab ka soo qaadey dekedda Cadan oo ay maamulaan Sucuudiga iyo xulafadiisa gooni goosadka.



Intii ayna doontu Berbera ku soo xiran ayaa waxa geeriyootey haweenay Yamaniyad ah oo wadno xanuun hayay laakiin weyday hawo sidaana u geeriyootey.

Waxa la sheegay in 64 qof ee kale la dejiyay xero ku taala Berbera oo ay la wareegeen bisha cas ee Somaliland iyo hay’adaha kale ee ka caawiya qoxootiga.



“Dadkan qaxoontiga ahi  waxay iskugu jireen 55 qof oo Yemaniyiin ah, shan  Itoobiyaan ah, saddex Jabuuti u dhashay iyo laba qof oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Tanzania. Sidoo kale 47 qof oo rag ah, lix haween ah iyo lix carruur ah. ”



Yaman ayaa ah dal burburey oo dadku u dhimanayaan macaluul markii Sucuudiga oo uu hubeeyay Maraykanku uu dagaal diimeed ayaga u gaara ku qaadeen Yaman.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

 

 

admin:

This website uses cookies.