X

Qayb ka mida keydkii qaranka ee Radiyo Muqdisho oo gubtey

Qayb ka mida keydkii qaranka ee Radiyo Muqdisho ayaa gubtey. Fadeexada gubashada keydka radiyihii qaranka ayaa aad loo cambaareeyay ayadoo ayna dhicin in keyd qaran leeyahay sidaa loo dayaco.


Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Cabdi Fitaax Jeyte ayaa sheegay in in Maamulka gobolka Banaadir uu in ka yar 15 daqiiqo ugu soo diray gaadiidka iyo kooxda dab damiska kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dadka loo damiyey.


“Mar kale waxaan u mahad celineynaa shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka, Khasaaraha ma badna waxaase hada aan ku howlannahay tirakoobka cajaladaha naga gubtay ayuu yiri Agaasimaha.

Mas’uuliyiinta Warbaahinta dowladda waxa ay sheegeen in dabkaasi uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.


Keydka radiyaha qaranka ayaa ka badbaadey burburkii iyo weliba duqeyntii diyaaradihii Maraykanka sanadii 1993, mar ay rabeen inay aamusiiyaan jeneraal Caydiid oo ka mid ahaa qabqablayaashii burburiyay qaranka ee Itoobiya iyo reer galbeedku wateen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.