X

Xulka qaranka kubadda ee Somaliya oo isku diyaarinaya ciyaaraha Olimbikada: SAWIRO

Xulka qaranka kubadda ee Somaliya ee 15-jirada ayaa isku diyaarinaya ciyaaraha fudud ee Olimbikada ee qaarada Afrika. Waxa laga soo xuley dhamaan gobolada dalka.

Waxaa ku jira 6 ciyaaryahan kuwaas oo dalkeena markii ugu horeesay gaarsiiyay fiinalaha tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka dhacay dalka Burundi bartamahii sanadan 2018 waxayna tusaale iyo haldoor u yihiin xidigaha iyaga ku wehliya safarkooda.


Waxaa laylinaya Maxamed Cabulle Farayare oo ka mid ahaa xirfadlayaashii kasoo aflaxay ciyaarihii Goboladda dhowr jeern soo maamulay xulka dalkeena waxaa la shaqeenaya tababare Salaad Faarax Xasan oo ahaa macalinkii wadankeena tusay aduunka ee kaalinta 2-aad ka galay tartankii da’yarta Afrika talooyinkooda oo la isku diray iyo fikirado kala duwan oo ka imaanayay tababaryaasha gudaha iyo ajaanibta maamula kooxaha kubbadda cagta gudaha ayaa keeni karta guul kale oo tariikh sida ay qabaan hogaamiyaasha xulka qaranka.


Si kastaba 23-jirada Soomaaliya ayaa iminka ku sugan dalka Ethopia,iyagoo garoonka Aadan Cadde ka dhoofay 10-November 2018 waxayna kulankooda 1-aad ee ciyaaraha Olimikada la ciyaaridoonaan dhigooda Ethopia waxaana laga sugayaa natiijo wanaagsan.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.